Madaxda Hogaanka Siyaasadda Xamaas oo ka fiirsanaya iney ka guuraan Doha, Qatar

Shabakadda wararka The National News ayaa soo bandhigtay warbixin ay ku sheegtay cadaadiska Mareykanka uu saaray Qatar inay ku dhalisay hoggaanka Xamaas inay u raraan dalka Ciraaq howlgalkooda siyaasadda.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay hoggaanka Xamaas ansixiyeen bishii May ee la soo dhaafay , iyadoo dhammaan dhismayaasha iyo xafiisyada ammaankooda iyo ilaalada ay si toos ah u hoos imaan doonaan Iran, taasoo ka dhigan ciidanka Ilaalada Kacaan Iran inay maamuli doonaan ammaanka goobaha hoggaanka Xamaas.

Saraakiisha Xamaas, wali ma aysan xaqiijin xogta ay soo bandhigtay warbixintan, balse waqti dhow ma ah wax si fudud u dhacaya in xafiiska siyaasadda Xamaas laga raro Doha, sababo la xiriira wada-xaajoodyada la isku dayayo ee arrimaha maxaabiista oo ay Qatar u leedahay mudnaan la xiriira dhexdhexaadinta, taasoo haddii ay dhacdo inay saraakiisha Xamaas u guuran Ciraaq ay adkaan doonto sii socoshadooda, iyadoo tan aysan xataa u wanaagsanayn Xamaas oo doonaysa heshiiska maxaabiista inay u beddelaan mid soo afjara dagaalka.

- Advertisement -