Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

DF oo Maamulka Puntland u gacan gelisay Maxamed Cumar Ciise (Sawirro)

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada Garoowe ka dejiyey eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo maalin ka hor Ciidanka Booliiska Caalamiga ah ay kasoo qabteen dalka Kenya

Hoggaanka xiriirka dibadda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Interpol ayaa Muqdisho ka qaaday eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo loo heysto inuu horay u dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax 17-05-2024, kaasoo horay waaran soo qabasha ah uu ugu jaray xafiiska Xeer ilaliyaha guud ee Qaranka.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed qeybta arrimaha dibadda ee Interpol, ayaa eedeysanaha ku wareejiyay laamaha ammaanka gobolka Nugaal, si loo horgeeyo Maxkamadda awooda u leh.

Related posts

Jadwalka Doorashada kuraas ka banaan BFS oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Madaxweyne ku xigeenada Galmudug & Jubbaland oo gaaray Jigjiga (Ujeedka)

Caydiid Ali

RW Magacaaban oo telefan kula hadlay Madaxweynaha degaanka Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---