Musharax Liibaan Axmed Xasan oo bogadiyey talaabo uu qaaday hogaanka Galmudug

Liibaan Axmed Xasan oo ka mid ah Musharaxiinta doorashada soo socota ee Madaxweynaha Galmudug ayaa soo dhoweeyey talaabada uu hogaanka Galmudug gogosha nabadeed ugu fidiyey beelihii dhowaan ku dagaalamay inta u dhexeeysa degmooyinka Caabudwaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEED UU SOO SAARAY MUSHARAX LIBAAN AXMED XASAN

*‎BOGAADIN GOGOL- NABADEED , BAAQ & MAHAD-CELIN *

(إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ) سورة الحجرات

Waxaan bogaadinayaa Dowladda Galmudug oo gogol nabadeed u fidisay Beelihii Cabdudwaaq iyo Xeraaale  ee dhawaan ku dagaalamay waqooyiga Galgaduud .

Waxan u mahadcelinayaa Hogaanka  Galmudug  ee Xiligiisu Dhamaaday oo Gogashaan Dhigay  Dhuusamareeb, sidoo kale waxaan mahad ballaaran ujeedinayaa  Culimadii , Waxgaradkii , odoyaashii ,Siyaasiyiin  Deegaanka ah oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro Heer Federaal iyo Heer Galmdug  oo howshani suurta-galiyay in xal-nabadeed lag xaliyo ,Masuuliyiintaas oo  waqti iyo dadaal dheeraad ah galiyay joojinta dhiiga walaalaha reer Galmudug .

Waxaan si gaar ah Mahad-balaaran u jeedinayaa taliyiaha Ciidanka Booliska  Federalka Qaybtiisa Galmudug Khaliif Cabdulle Maalin  iyo Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Qaranka (NISA) Qaybtiisa Galmudug Faysal Ibraahim Caanood  oo xilwayn iska saaray  illaahay kasokow sababna u ahaa joojinta colaada.

Waxaa sidoo kale BAAQ NABADEED udirayaa beelaha walaalaha ah ee Galdogob iyo Bandiiradleey ee dirirta dhaxmertay , Beelahan oo dhaqan, dhalyo iyo darisba wadaaga waxaan leeyahay dagaalka shuruud la’aan hala joojiya Xal nabadeedna halagu xaliya colaada

Maamulada Puntland iyo Galmudug , Culimada , Isimada , cuqaasha  iyo Siyaasiyiinta labada deegaan  iney ka qayb-qaataan joojinta Colaada iyo dhiiga walaaalaha .

Dagaal beeleedyada waxay fursad siinayaan Cadawga umadda Soomaaliyeed oo ah  Argagaxisada arxanka daran, sidaa darteed dhiiga walaalaha muslimiinta ah ee dhaqan iyo dheecaan wadaaga nabad iyo xal waaro laga gaara..

LIBAAN AXMED XASAN 
Musharax Madaxweynaha Dowlada Galmudug

 

- Advertisement -