Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay Ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay Xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar ka mid ah Halgameyaashaasi.
Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga miradhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.
Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ayaa si weyn looga xusay munaasabadda 26-ka Juun, oo ah maalintii ay xuroobeen gobolada Waqooyi ee dalkeena, iyagoona heeryada gumeysiga iska qaaday sannadkii 1960-kii 26-kii bishii Juun.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com