Uhuru Kenyatta oo si adag uga hadlay Dadkii lagu laayay dibadbaxii ka dhacay Kenya

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si kulul u cambaareeyay dilka , dhaawaca iyo xariga ciidamada ammaanka dalka Kenya u geestay qaar badan oo kamid ahaa dadkii dhigayay dibadbaxa looga soo horjeeday kordhinta canshuuraha.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aad uga xun yahay dhibaatada ka dhalatay dibadbaxa ay shacabka dhigayeen, waxa uuna sheegay in wax laga naxo lagana xumaado ay tahay dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu laayay gudaha Kenya.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay madaxda talada dalkaasi hadda heysa in ay dhageystaan cabashada dadka shacabka ah, waxa uuna ku baaqay in xaalada la dejiyo lagana shaqeeyo nabadda.

“Xilligan waxaan rabaa in aan xasuusiyo dhammaan madaxda in ay shacabku soo doorteen, “Dadka dhegaysigoodu maaha wax la dooran karo ee waa waajib ku qotoma aasaaska dastuurkeenna iyo aasaaska dimuqraadiyadda,” ayuu Uhuru.

Dibadbaxyo xooggan oo shalay ka dhacay magaalooyin katirsan dalka Kenya ayaa ka dhashay khasaaro dhimasho oo ku dhaw 10-qof , halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen dad ka badan 100-qof, dad kale oo badan ayeyna ciidamada ammaanka xireen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -