Farmaajo oo ka hadlay colaadaha sokeeye ee ka aloosan dalka Baaq muhiim ahna diray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray hambalyo ku aadan xuska qiimaha badan ee 26-ka Juun oo ku aaddan 64-guurada ka soo wareegtay xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka u diray shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in todabaadkan ay waajib tahay in uu horseedo midnimo dadka Soomaaliyeed dhaxdooda ah, isagoona ku baaqay in la joojiyo colaadaha sukeeye ee ka aloosan qaar kamid ah gobolada dalka.

”Todobaadka Xoriyadda waxaa waajib ah in uu inoo horseedo midnimo, xoojiyana walaalnimada dhexdeenna ah, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in la joojiyo colaadaha sokeeye ee maanta ka aloosan gobollo badan oo ka tirsan dalka” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne hore Farmaajo oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u duceeyaan halgameyaashii  horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -