Kuuriyada Waqooyi oo ku fashilantay Gantaal nuuca ridada dheer oo ay tijaabisay

Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in ay ku guul dareesteen tijaabada gantaal nuuca riddada dheer, waxaana tijaabadan la sheegay in uu noqday mid guuldarro ku dhamaaday oo ay ku fashilmeen Kuuriyada Waqooyi.

Militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa war laga soo xigtay waxa ay ku sheegeen in tijaabada gantaalka nuuca riddada dheer ee sameysay Kuuriyada Waqooyi kusoo dhammaaday guul darro .

Warka kasoo baxay Kuuriyada Koonfureed milatarigooda ayaa lagu sheegay in gantaalka oo loo ganay dhinaca caasimadad Waqooyiga Kuuriya uu fashilmay, mana shaacin sababta keentay fashilka gantaalkan.

Fashilka ku yimid tijaabada gantaalka nuuca riddada dheer ayaa imaneysa maalmo kadib markii gantaal Mareykanka leeyahay oo ah nuuca xambaara diyaaradaha uu tagay  Kuuriyada Koonfureed iyo Japan , si uu dhoolotus u sameeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -