Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo arrin xasaasi ah kala hadlay Ku-xigeenka Ergayga Q/Midoobay ee Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho, Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway.

Fiqi ayaa kala hadlay George Conway sare u qaadida iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah ee Somalia iyo Qaramada midoobay

Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay dadaalka dheeraadka ah ee Guddiyada farsamo ee labada dhinac ay muujiyeen iyo samaynta istiraatiijiyad dhammaystiran oo hagaysa qorshaha kala guurka ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Ujeedada ayaa ah si loo sameeyo xafiis QM ay ku yeelato dalka oo la mid ah kan ka dhisan dalalka kale, si loogu dhaqaaqo horukac barwaaqo leh, loogana guul keeno himillooyinka, loona gaaro horumar waara

Dowlada Somalia ayaa dedaal ugu jirta in la xiro xafiiska QM ee Somalia UNSOM

 

Related posts

Guddoomiye Cumar Filish oo xariga ka jaray xarun muhiim ah oo la dayactiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka (Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho ka furay Shirweyne Saddex cisho soconaya (Sawirro)

Caydiid Ali