Allbanaadir.com
NEWS

Maxay tahay Xogta Aadan Madoobe la wadaagay danjiraha Mareykanka?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la qaatay Safiiirka cusub ee dowladda Mareykanka usoo magacowday Soomaaliya Danjire Richard H. Riley.

Safiirka ayaa ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay qaabilaadda uu u sameeyay, isaga oo sheegay Inuu ku faraxsanahay in Soomaaliya loo soo magacaabo islamarkaana uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ugu horeyn Safiirka kusoo dhoweeyay Soomaaliya ayaa waxa uu warbixin kooban ka siiyay horumarada kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ku talaabsaneyso oo ay ka mid yihiin Amniga, dhaqaalaha iyo ciribtirka Al shabaab.

Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa uga mahad celiyey dowlada Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Somalia gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, dib u dhiska ciidanka xoogga dalka iyo dowlad wanaaga.

Related posts

ATMIS oo War ka soo saartay weeraradii ka dhacay Baardheere & Bariire (Akhriso)

Caydiid Ali

RW Ku-xigeenka Somalia oo u ambabaxay caasimadda dalka Niger ee Niamey

Caydiid Ali

Erdogan oo si adag uga hadlay Qoraal uu baahiyay Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand

Cabdi Cade