Ciidanka Booliska Somalia ayaa soo saaray digniin ku saabsan inaan wax rasaas ah hawada loo ridi karin marka la gaaro saacada calanka saarka inta lagu jiro Munaasabada 26ka Juun oo ku beegan caawa taasoo ku asteysan markii gobolada woqooi ay xoriyadooda ka qaateen isticmaarkii Ingiriiska, isla markaana dhul Soomaaliyeed laga taagay calan xor ah
Hoos ka akhriso digniin uu soo saaray afhayeenka Booliska Cabdifatax Aadan Xassan.
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Wuxuu Ku wargilinayaa in Dhamaan Ciidanka Qalabka Sida iyo Bulshada Soomaliyeed Goob kasta oo ay Joogaan inta Lagu guda Jiro Dabaaldega 26 Juun iyo 1 luulyo Marka Lagaaro Saacada Calan saarka aan Wax Rasaas ah la ridi karin marka laga reebo Buleerka ay loogu Tala galay Dabaaldega
Maadaama ay Horey uga Dhasheen Dhaawacyo Soo gaarey Qaar ka mid ah Bulshada Soomalaiyeed
Dhamaan Laamaha Amniga Waxaa lafarayaa inay u Hogaansamaan Amarkaan. Ayna talaabo Ka qaadaan cidii Ku xad Gudubta Mahadsanidiin