Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo si cajiib ah uga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Itoobiya looga baahan yahay in ay soo marto qaabab sharci ah, haddii ay dooneyso in ay hesho dekad Soomaaliya kutaalla.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana u muuqday in uusan diidaneyn in Itoobiya ay hesho dekad kutaalla Soomaaliya, balse uu kasoo horjeedo qaabka ay wax u rabto iyo heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo ka hadlay hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan suurto gal aheyn dalabka Madaxweynaha uu u gudbiyay dowladda Itoobiya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Madaxweyne Xasan Sheekh kaliya heesto dekadda Muqdisho, waxa uuna xusay in dekadaas aysan wax micno ah u sameeneyn Itoobiya ayna aad uga fogtahay masaafo ahaan sida uu tilmaamay.

“Xasan Sheekh Maxamuud weli ma fahmin, is-fahanka Itoobiya iyo Somaliland kaliya kuma saabsana dekeddo, laakiin halka ay dekeddu ku taalo iyo gaaritaankeeda ayuu ku saabsan yahay,” ayuu yiri wasiir Maxamed Kaahin.Xitaa hadii Itoobiya ay aqbasho dalabkiisa dekedda keliya ee uu maamula waa dekedda Muqdisho oo 1600KM u jirta Itoobiya.” ayuu yiri Wasiir Kaahin.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqday in Itoobiya loo diidaneyn dekad ay isticmaasho haddii ay soo marto nidaam sharci ah, balse loo diidan yahay in si xoog ah ku qaadato dekad iyo biyaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Mareykanka cunaqabatayn kusoo rogay shirkado waa weyn oo laga leeyahay Turkiga

Cabdi Cade

Puntland oo amar cusub ka soo saartay isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Sida quruxda badan ee loogu dabaaldegay Sanad guuradii 74aad ee Booliska

Caydiid Ali
Taboola Ads ---