Allbanaadir.com
NEWS

Shabakad ka shaqeeneysay tahriibinta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka Booliska Puntland iyo Booliska Dowlad degaanka Soomaalida DDS oo is kaashanaya ayaa gacanta ku dhigay shabakad ka shaqayneysay Tahriibinta Dhalinyarada.

Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in shabakadda gacanta lagu dhigay oo ka kooban 8 xubnood ay wadeen dhalinyaro laga tahriibiyay degaannada Puntland si loogu gacan geliyo kuwa lagu magacaabo Magafayaasha.

“Ciidanka Booliska Puntland iyo Ciidanka Booliska Dowladd deegaanka Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay shakabad tahriibayaal ah kuwaa oo waday dhalinyaro laga tahriibiyay deegaanada Puntland loona waday in magafe loo gacangalaiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.

Taliska Booliska Puntland ayaa sidoo kale shaaciyay magacyada Shabakadda oo lagu qabtay degmada Qabri Dahar ee Dowlad degaanka Soomaalida DDS.

1. Maxamed Maxamuud Muuse
2. Yuusuf Cabdi Ciise
3. Raxma Jaamac Maxamed
4. Caasha Maxamed Maxamuud
5. Saamiya Yaasiin Maxamuud
6. Cabdi Risaaq Geelle Maxamed
7. Farxaan Maxamed Barre
8. Ladaned Cali Cabdullaahi

“Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan qaybta danbi-baarista CID ee Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale wada how-galo lagu dabar jarayo shabakadahan oo caadaystay in ay marin habaabiyaan dhalinyarada Puntland” ayuu sii raaciyay Qoraalka Booliska.

Related posts

(Sawirro) Turkiga oo u jiheystey doorasho ku celis ah & Erdogan oo la hadlay Warbaahinta

Caydiid Ali

Wasiir Cawad oo faah faahiyay kulankii ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland

Cabdi Cade

Dayuurad siday 121 dalxiiseyaal ah oo deg deg u fariisatay Mombasa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---