Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh oo caddeeyay in ay doonayaan in Itoobiya Baddeenna ku timaado hab sharci ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, kaa oo salka ku haya heshiiskii Ra’isul Wasaare Abiy la galay Madaxweynaha Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Itoobiya isku hayaan qaabka sharci-daarada ah ee ay dooneyso in ay Baddeen kusoo gaarto, waxa uuna xusay in ay jiraan qaabab sharci ah oo Itoobiya Baddeena uga faa;iideysan karto.

“Waxaan Ummadda soomaaliyeed iyo caalamkaba u caddeynayaa, Itoobiya waxaan isku haysanaa qaabka sharci-daarada ah ee ay dooneyso in ay Baddeen kusoo gaarto, waxaan dooneynaa in ay Baddeenna ku timaado hab sharci ah, sida Yugaandha ay ku gaarto Badda Kenya iyo sidoo kale sida Itoobiya qudheedu ay ku gaarto Badda Jabuuti”. ayuu yiri Madaxweynaha.

Itoobiya ayaa rabta in ay qaadato qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, iyada oo mar marsiiyo ka dhiganeysa heshiis beenaadkii ay la gashay maamulka Somaliland, hasa ahaatee damacaasi ayaa u muuqda mid fashil ku dhaw.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeeda damaca waalida ah ee Itoobiya ku dooneyso in ay ku hesho qeyb kamid ah xeebaha Soomaaliya, waxa ayna dowladda qaaday tallaabooyin arrintaasi looga soo horjeedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska AMISOM oo War ka soo saaray dayuuradii ku burburtay degmada Berdaale

Caydiid Ali

Wasiir Faroole: “Puntland uma dhutineyso dowlad Xamar lagu waardiyeeyo”

Caydiid Ali

Rooble oo la kulmay Xubno katirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Mombasa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---