Allbanaadir.com
NEWS

Dilal argagax leh: Nin caawa Muqdisho ku dilay hooyadiis iyo abtigiis

Nin dhallinyaro ah ayaa caawa magaalada Muqdisho ka geystay dil argagax leh ka dib markii uu nafta dhaafiyey hooyadiis iyo abtigiis oo dhinaca kale ah walaalkeed.

Dilkan ayaa ka dhacay guri ku yaallla xaafada Warlaliska oo ka tirsan degmada Dayniile sida ay wararku nagu soo gaarayaan.

Ciidamada ammaanka saldhiga degmada Dayniile ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka geystay oo haatan loo taxaabay xabsiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka dilkan geystay madaxa looga jiray.

Dhacdadan oo dadka degaanku si weyn uga argagaxeen ayaa caawa si weyn looga hadal hayaa degmada dayniile iyo nawaaxigeeda.

 

Related posts

War Murtiyeed laga soo saaray Kulan dhax maray Madaxda Somalia iyo Burundi (Sawirro)

Cabdi Cade

Xaalado cusub oo cudurka Covid-19 oo maanta laga diiwaan galiyay Muqdisho

Cabdi Cade

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---