Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Ciidan ka tirsan NISA oo tababar gaar ah loogu soo xiray Kismaayo

Cutub gaar ah oo lagu magacaabo Han-qadh kana mid ah ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ee NISA ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada Kismaayo.

Ciidankan ayaa muddo badan tababar dhowr nooc isugu jira ku qaadanayey xarumo gaar ah oo ay tababar ku qaataan ciidanka Nabadsugidda Jubbaland.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in ciidankan tababarkii mudada dheer ay qaadanayeen ay ku soo barteen wax walbo oo lagama maarmaan u ah askari loo carbinayo in sida ugu adag uu ugu shaqeeyo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa.

“Waa ciidan u badan rag dhalinyaro ah oo lagu soo xulay heerarka kala duwan ee markii ciidan la qorayo la maro, waxaana wajiyadooda aad ka dheehan kartaa tababarkii ay soo qaateen in uu ahaa mid aad u sareeya kana soo saaray ciidan tayadoodu ay sarayso” ayuu yiri taliyaha NISA  ee Jubbaland.

Related posts

Qarax labaad oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Baarlamanka Somalia oo maanta yeelanaya kulan qodob xasaasi ah looga doodayo

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Midowga Musharaxiinta oo Shir xasaasi ah ku leh Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---