Taliyaha ciidanka dhulka Iran, Sarreeye Guuto Kioumars Heydari ayaa maanta sheegay inay Israa’iil jawaab adag ka heli doonto Iran iyo kooxaha ay taageerto, haddii ay iskudaydo inay weerarto Xisbullah oo ay gudaha u gasho Lubnaan.
Suurtagalnimada inay Israa’iil weerar ku qaadayso Xisbullah oo ay gudaha u geli doonaan Lubnaan ayaa toddobaadyadan sare martay, laakin howlgal nooca ah waxay uga baahan tahay Israa’iil iyo Mareykanka inay waqti dheer ka fakaraan sababtoo ah Xisbullah boqollaal jeer ayay ka xooganyihiin Xamaas, dagaal lala galana, wuxuu noqonaya mid kharash badan lagu bixiyo.
“Israel wey ka shalayn doontaa hadii ay duulaan ku qaado Xisbulah iyo gudaha Lubnaan, wuxuuna noqon doonaa qaladkii ugu weynaa ee ay taariikhda galaan, Irana gacmaha kama laaban doonto” ayuu yiri Kioumars Heydari
Xisbullah Waxay helaysaa marin furan oo ay ku heli karto dagaalyahanno iyo saad, waana halka uu dagaalka ka galayo Mareykanka haddii ay Israa’iil ku adkaysato duulaanka.
Marka loo fiirayo duruufta ku xeeran Biden, waqti dheer ayuu iskudayi doonaa Mareykanka inuu ka joojiyo duulaan ay qaado Israa’iil.