Allbanaadir.com
NEWS

Isku dhac dhax Muqdisho ku dhax maray ciidamada Amniga iyo Arday galeysa Imtixaanka Shahaadiga

Waxaa saakay isku dhac u dhaxeeyay ciidamada ammaanka gaar ahaan booliiska ilaalinaya imtixaanka shahaadiga iyo qaar kamid ah ardayda galeysa imtixaanka uu ka dhacay Jaamacadda Gaheyr ee kutaalla agagaarka Ex-koontarool Afgooye.

Ciidamada ammaanka ayaa albaabka jaamacadda ka celiyay qaar kamid ah ardayda oo kasoo daahay xilligii imtixaanka bilaaban lahaa, waxa ayna taasi keentay in ardayda ka caroodaan in albaabka laga celiyo.

Ardayda qaarkood ayaana bilaabay dhagaxtuur iyo in sidoo kale ay dhagxaan laamiga ku jaraan, waxa ayna ardayda sameeyeen gadood ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin in loo diido in ay galaan imtixaanka.

Qaar kamid ah ardayda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in waddooyinka magaalada oo xirmay iyo biyaha roobka oo meel kasta fadhiya sabab u noqotay in ay soo daahaan, waxa ayna sheegeen in falkan lagula kacay uu yahay mid aad uga xun yihiin.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxaa ka da’ay roob xooggan oo sababay in laamaiyada magaalada qaarkood bur buraan kuwa kalana biyo xiraan, waxaa sidoo kale xirmay qaar kamid ah jidadka dhax mara xaafadaha Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble & xubno kale oo Villa Somalia ku daawanaya go’aanka Badda (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo:-Somaliland oo ka hor timid Ciidamada caalamiga ah ee laga dhisayo Badda cas !!

Caydiid Ali

Wasiir Dubbe oo u digay danjireyaal shisheeye oo faragelin ku haya arrimaha Somalia

Caydiid Ali