Allbanaadir.com
NEWS

Tirada dadkii sannadkan ku dhintay Xajka oo korortay iyo Sacuudiga oo war soo saaray

Waxii sii kordhaya tirada dadka ku dhintay sannadkan gudashada waajibaadka Xajka, waxaana dadka dhintay intooda badan la sheegay in ay ahaayeen kuwa aan heysan ruqsada rasmiga ah ee la siiyo xujeyda.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay in tirada dadka ku dhintay sanandkan Xajka kasii bateen intii horey loo shaaciyay, waxa ayna sheegeen in tirada dhimashada hadda gaartay 1,301 qof oo xujey ah.

Dadka geeriyooday oo u badnaa kuwa kasoo jeeda dalka Masar ayaa la sheegay in  badankood ahaayeen kuwa aan helin ruqsada xajka ay kusoo gali lahaayeen dhulka Barakeysan, waxaana geerida dadkan sababay iyaga oo lugeeyay xilli cimilada xun tahay.

Dowladad Sacuudiga ayaa sheegtay in dadkan dhintay badankood ay lugeeyeen masaafo aad u dheer xilli uu jiray kuleel daran, mana helin dadkan daryeelka la siinayay dadka kale ee heysta ruqsada xajka ee sannadkan.

Kuleelka Sacuudiga ka jiray sanandkan gaar ahaan waqtigii gudasaha Xajka ayaa gaaray 50 digree, waana mida keentay in dhimashada aad u badato, dadka dhintay badankood ayaana ahaa kuwa lugeenayay oon heysan daryeel caafimaad iyo gaadiid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Amniga oo si adag uga hadlay banaan baxii booliiska joojiyeen iyo waxyeelo loo…

Cabdi Cade

Shir Muqdisho uga furmaya Musharaxiin badan oo u taagan Xilka Madaxweynaha Somalia

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Kursiga Golaha amaanka ee Kenya ku guuleystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---