Allbanaadir.com
NEWS

Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay gobolka Muslimiinta Ruushka ku badan yihiin

Koox maleeshiyaad hubeysan ayaa shalay weerar xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ka geesteen gobolka koofureed ee Jamhuuriyadda Dajestan ee dalka Ruushka.

Weerarkan ay geesteen maleeshiyaadka hubeysan ayaa lagu dilay in ka badan 15-askatri oo katirsan booliiska Ruushka iyo dad kale oo rayid ah, waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay tiro kale oo badan oo qaarkood xaalad adag ku jiraan.

Guddoomiyaha gobolka Dajestan, Sergei Melikov ayaa sheegay, in kooxda weerarka qaadday ay rasaas ku furtay kaniisad ay leeyihiin masiixiyiinta madhabta Ortodokis-ka iyo macbad ay dadka yahuudda ah ku leeyihiin goobta weerarku ka dhacay.

Waxa uu sidoo kale sheegay Sergei Malikov in dableyda hubeysan ay rasaas xooggan ku fureen bar-koontarool ay joogeen ciidamo booliis ah, waxa uuna xusay in ciidamada mniga dileen qaar kamid ah ragii weerarka geestay.

Guddiga qaran ee la dagaallanka argagixsiada Ruusha ayaa weerarkan shalay ka dhacay gobolka Dajestan ku tilmaamay mid argagaxiso, weerarkan gobolka uu ka dhacay waxaa ku badan Muslimiinta kunool dalka Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Sare oo Magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha (Magacyada)

Cabdi Cade

Wasiir Abshir Cumar oo la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Serbia (Sawirro)

Cabdi Cade

Shiikh Shariif: “Madaxweyne wixii aad shalay diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirto”

Caydiid Ali