Allbanaadir.com
NEWS

Ajnabi katirsanaa Al Shabaab oo doonayay in uu ku baxsado doon oo la qabtay (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu yahay ajnabi katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Ninkan ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka qabteen ayaa la sheegay in uu doonayay inuu doon ka raaco xeebaha deegaanka Mareeg ee gobolka Galgaduud, uuna aado deegaanno kale aan la shaacin.

Ciidanka huwanta ah ayaa qabashada ninkan waxaa u sahlay xog ay ka heleen dadka deegaanka Mareeg, waxa ayna ciidamada ninkan maxbuuska ah geeyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ninkaan la qabtay uu u dhashay dalka Yemen, wuxuuna ka mid ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha Al Shabaab ee ku sugnaa qeybo kamid ah deegaannada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wax badan ka Ogow Aragtida Sharci ee Xukuumada Xil-gaarsiinta Soomaaliya

Cabdi Cade

Iran oo digniin iyo hanjabaad adag hawada u marisay Israa’iil

Cabdi Cade

Nabadoon Xaad oo ka hadlay Xariga Taliyihii Danab Hanjabaad adagna u diray Villa Somalia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---