Golaha Wakiilada maamul goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Axad ah shaaciyay ajandaha easmiga ah ee kal-fadhigooda 54 aad oo furmay 15 bishaan June
Ajandaha rasmiga ee kal-fadhiga 54aad oo ka kooban 11 qodob ayaa waxa ku jira qodob ku saabsan ka doodista arrimaha Khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.
Ajandaha waxa sidoo kale ku jira qodoba kale oo muhiim ah uuna ku jiro ka doodista qulqulka muhaajiriinta soo gala Puntland, kuwaas oo inta badan ka yimaada dalka Itoobiya.