Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil ka dhacay duleedka Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa ka dhacay degaanka Macaani ee duleedka Magaalada Muqdisho ka dib markii askariga ay weerar ku qaadeen dabley hubeysan oo markii ay dileen baxsaday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dableyda ay horey u sii qaateen qorigii uu watay askariga ka hor inta aysan halkaas ka baxsanin.

Wararka ayaa sheegay in askariga la dilay magaciisa lagu sheegay Wadaad-yare, waxayna dadka degaanka sheegeen in kooxda falka dilka geystay ay ku baxsadeen Mooto bajaaj.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, iyagoo baaritaan ka sameeyay halkaasi, lamana soo sheegin cid loo qabtay dilkan oo la tuhunsan yahay in kooxda Alshabaab ay fulisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan bax looga soo horjeeday Caleemo saarka Axmed Madoobe iyo Kenya oo la dhigay

Cabdi Cade

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada dalka oo goordhaw War Saxaafadeed soo saaray

Cabdi Cade

DE DEG: Agaasimihii Hey’adda Socdaalka oo xilka laga qaaday & Mid cusub oo la magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---