Ciidamada milatariga Israel ayaa wali halkoodii kasii wada xasuuqa ay ku hayaan shacabka Falastiin, waxa ayna maalin kasta ay dilayaan shacab aan waxba galabsan oo kasoo jeeda dadka Falastiin.
Duqeymo ciidamaa Isreal shalay oo Sabti ah ku garaaceyn qeybo kamid ah magaalada Gaza ayey ku dileen dad gaaraya 42-qof oo shacab ah, waxa ay sidoo kale duqeynbaasi ku dhaawaceen tiro kale oo dad ah.
Dadka ay dileen ciidamada Israel ayaa la sheegay in 24 kamid ah lagu dilay madaafiic lagu garaacay guri ku yaalla xerada qaxootiga Al-Shati ,halka, 18 kale oo dadka dhintay iyana lagu dilay duqeyn lagu garaacay xaafadda Al-Tuffah ee waqooyiga Gaza.
Milatariga Israel war kasoo baxay ayey ku sheegeen in duqeymaha ay ka geesteen Gaza ku bartilmaameedsadeen labo xarun oo ay lahaayeen kooxda Xamaas, waxa ayna sheegeen in faah faahin ka bixin doonaan weeraradaasi.
Kooxda Xamaas ayaa dhankeeda beenisay warka kasoo baxay ciidamada Israel, waxa ayna Xamaas sheegeen in ciidamada Israel ay duqeeyeen goobo shacab, iyagoona ku hanjabay in ay ka aarsan doonaan ciidamada Israel kana shaleyn doonaan dilka shacabka.
Ciidamada Isreal ayaa magaalada Gaza ku dishay muddo sideed bilood ah dad ka badan 37-kun oo shacab reer Falastiin ah, waxaana dadka dhintay u badan haween iyo carruur ana cidna dambi ka gelin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com