Allbanaadir.com
NEWS

Kaluumeysato bilo ka hor lagu waayey xeebaha Muqdisho oo laga helay Maldives (Sawirro)

Saddex nin oo Kalluumaysto Soomaali ah, oo saddex bilood ka hor ka soo lumay xeebaha magaalada Muqdisho ayaa maanta laga helay Jasiirada Maldives.

Saddexda oo Laash ay ku Kalluumaysanayeen ka raacay xeebta Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa in ay Baddu ku kacday isla markaana ay jihadii ka lumisay.

Dawladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Maldives ayaa hadda ka wada  shaqaynaya sidii saddexda nin loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho oo ah bartii ay dabayluhu ka soo qaadeen.

Jasiiradaha Maldives ee badweynta India iyo Soomaaliya ayaa isu jira masaafo ka badan 3 kun oo KM oo dhinaca Badda ah.

Sanadkii hore ayey aheyd markii kaluumeysato reer Muqdisho ah ay sidan oo kale ka luntay jihada ayna baddu qaaday doonidii ay a socotay iyagoo dhowr bilood ka dib laga helay xeebaha dalka Srilanka oo kumanaan Km u jira xeebaha Somalia, waxaana markii dambe dib loogu soo celiyey dalka.

Related posts

Xasan Shiikh & wafdigiisa oo gaaray Algeris, kulana la qaatay António Guterres (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir ku dhax qunfacay Xarun Baarlamaan oo lala yaabay Shakina laga qaaday !! (Sawirro)

Cabdi Cade

Howlgal daba dheeraaday oo weli ka socda agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---