Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo goor dhow iscasilay

Guddoomniyaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow iscasilay sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo.

Carfo Ibraahim Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo waxaa uu  sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay faragelin ay ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkan oo ah mid lama filaan ah ayaa soo baxay xilli la hadal hayo in Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee K/Galbeed Shariif Xasan uu damacsan yahay inuu ka haro tartanka doorashada.

Siyaasiyiin reer Baydhabo ah ayaa sheegaya in guddoomiyaha iscasilay uu xiriir dhow la leeyahay Shariif Xasan, talaabadana ay tahay mid lagu carqalaadeynayo doorashada oo la filayo iney 17ka bishan ka dhacdo Baydhabo.

Talaabadan ayaa ku soo aaday xili maanta qaar ka mid ah Musharaxiinta doorashada Koonfur galbeed ay si rasmi ah isku diiwaan geliyeen, lana siiyey shahaadada musharaxnimada.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

War-Murtiyeed: Shirkii Madaxda Somalia, Masar & Eritrea (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Sharci daro ku tilmaamay hab-dhaqankii Baarlamaanka Soomaaliya !!

admin

Madaxweyne Erdogan oo mar kale todobaadkan booqan doona dalal ka tirsan Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---