Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Erik Lundberg (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha ka guddoomay Danjiraha Dowladda Finland ay u soo magacawday Soomaaliya Mudane Erik Lundberg.

Danjire Erik ayaa Madaxwweynaha Jamhuuriyadda u gudbiyey farriin uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Sauli Niinistö.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Siciid Xaaji Maxamuud oo goobjoog ku ahaa munaasabaddan ayaa xusay taariikhda xiriirka labada dal iyo muuhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Finland.

“Dalka Finland waxaan la wadaagnaa xiiir saaxiibtinimo oo ku suntan wakhtigii Soomaaliya ay xurriyadda qaadatay, maadaama ay ka mid ahaayeen dalalkii ugu horreeyey ee ictiraafa madaxbannaanideena. Sidoo kale waxa ay na garab taagnaayeen wakhtiyadii burburka iyagoo gacan ka gaysta ilaa haatan arrimaha caafimaadka, waxbrashada iyo gargaarka xaaladaha bini’aadantinimo.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Danjire Erik Lundberg ayaa uga mahadceliyey Madaxweyanaha Soomaaliya ka guddoomidda warqadahiisa aqoonsi ee Safiirnimo, isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay joogtaynta xiriirka labada iyo inuu noqdo mid ku salaysan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo qaaday tallaabo kale oo ka careesiiyay dowladda Shiinaha

Cabdi Cade

(Sawirro) Xasan Shiikh oo ka qeyb-galay shirka Q/Midoobay ee la dagaallanka cunto-yarida

Caydiid Ali

Ciidamada booliiska oo gacanta ku dhigay rag la tuhmayo in ay geesteen dil laga argagaxy

Cabdi Cade
Taboola Ads ---