Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraarkii xasaasiga ahaa ee kasoo baxay Midowga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweysay qaraarkii kasoo baxay Midowga Afrika, ee lagu taageerayay ka bixista ciidamada ATMIS Soomaaliya iyo dhisida ciidamo cusub oo badelaya ciidanka baxaya.

Midowga Afrika ayaa taageeray codsigii ay Soomaaliya ku doonaysay in kaddib bixitaanka ciidamada ATMIS la billaabo hawlgal muddo kooban ah oo dawladda looga caawinayo dhammeystirka dadaallada la-wareegista amniga iyo ciribtirka argagaxisada.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Danjire Cabdullahi Maxamed Warfaa, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweeneyso qaraarka kasoo baxay Midowga Afrika, waxa uuna sheegay in qaraarkan yahay mid masiiri ah oo wax u taraya dalkeenna.

Waxa uu sidoo kale sheegay go’aanka kasoo baxay Midowga Afrika uu wax badan ka bedeli doono xaaladda ammaanka ee dalkeenna, waxa uuna xusay in ciidanka Soomaaliya diyaar u yihiin la wareegida amniga iyo xasilloonida dalka.

“Qaraarada kasoo baxay Midowga Afrika waa go’aano masiiri ah oo nabadgelyada Soomaaliya saameyn ku leh, wax badana ka beddalaya sida ay wax u socdeen, sidoo kalena abuuraya jawi cusub oo ka duwan sidii hore oo ay wax u socdeen” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in hadda laga maarmay ku tiirsanaanta ciidamada nabad ilaalinta u joogay Soomaaliya, waxa uuna intaa ku daray in la gaaray xilligii Soomaaliya amnigeeda maamuli laheyd lana wareegi laheyd.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa socday wadahadallo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, wadahadalka ayaana diirada lagu saarayay sidii ciidamada ATMIS dalka looga saari lahaa looguna wareejin lahaa amniga ciidanka xoogga dalka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisi oo weeraray Reer galbeedka ka dib kulan uu la qaatay dhigiisa Musaveni (Sawirro)

Caydiid Ali

Kulanka Baarlamaanka oo Furmay iyo Warbaahinta oo banaanka loo saaray

Cabdi Cade

Sii hayaha RW: “Argagixisadu ma hakin karto dadaalka nabad ku soo dabaalidda dalka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---