Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo tagay dhul howd ah oo dhawaan Al Shabaab lagu duqeeyay (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda, ayaa tagay dhul howd ah oo kuyaalla duleedka degmada Ruun-nirgood , halkaas oo dhawaan Al Shabaab lagu duqeeyay.

Duqeynta ka dhacday goob Al Shabaab isku aruursanayeen ayaa la sheegay in uu kasoo gaaray khasaaro badan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana kooxdii Al Shabaab halkaasi joogtay lagu qasbay in goobta ka cararaan.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaana gaaray dhulkii howdka ahaa ee Al Shabaab lagu duqeeyay, waxa ayna halkaasi kusoo arkeen raadadka khasaaraha ka dhashay weerarka iyo cararka Al Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay la wareegeen goobtii Al Shabaab lagu duqeeyay, waxa ayna saraakiishan sheegeen in duqeynta khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa inta bdan ciidankooda jabhada ah isugu geysa dhul howd ah, halkaas ay ka abaabulaan weeraro xooggan ay ku qaadaan saldhigyo iyo fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin deegaanno iyo degmooyin horey Al Shabaab looga saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ururka dhaqaatiirta Qaliinka Soomaaliyeed oo Muqdisho looga dhawaaqay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo maalintii labaad xiran iyo Kulamo kala duwan oo socda

Cabdi Cade

Gabadhii ugu horaysay ee Muslim ah oo loo magacaabay garsoore heer Federaal ah dalka…

Cabdi Cade