Allbanaadir.com
NEWS

Villa Somalia oo beenisay warbixin ay baahisay Wakaalada Wararka Reuters

Villa Soomaaliya ayaa beenisay warbixin ay shalay baahisay wakaalada wararka ee Reuters oo lagu sheegay in DF dooneyso inaan lala dedejin qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS.

Reuters ayaa sheegtay in dowladda Somalia ay warqad bishii hore u dirtay ku-simaha Guddoomiyaha Golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ay kaga codsatay in illaa bisha September dib loo dhigo bixitaanka bar ka mid ah 4,000 kun oo askari oo lagu waday inay dhammaadka bishan June dalka ka  baxaan.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa warbixintaas ku tilmaamay mid qalad ah isagoo sheegay in wax-ka-bedelka jadwalka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ay tahay mid farsamo, isagoo meesha ka saaray in qorshahan uu la xiriiro cabsi laga qabo Al-Shabaab.

Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo ah maalgeliyayaasha ugu sarreeya ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa isku dayay in la dhimo howlgalka nabad ilaalinta sababo la xiriira walaac ku saabsan maalgelinta muddada fog sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed iyo sarkaal sare oo ka tirsan Uganda.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in codsiga dib u dhigista ka bixitaanka bishan uu yahay mid la doonayo in lagu waafajiyo qorshaha dhimista howlgalka ATMIS-ka kadib.

“Fikirka ah in ay jirto ‘cabsi laga qabo in al-Shabaab ay dib u soo noolaato’ waa mid riwaayad ah,” ayuu yiri la taliyaha.

Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, ayaa sheegay in aysan jirin waqti go’an oo lagu soo gabagabeynayo wada xaajoodka balse dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay heshiis gacan ka geysanaya in la helo nabad iyo ammaan waarta.

Gelinka dambe ee Khamiista ayaa lagu wadaa in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ay ka kulmaan arrimaha Soomaaliya, si ay uga doodaan dhimista iyo daba-galka howlgalka.

Uganda iyo Kenya oo ciidamo ku yaboohay howlgalka bixitaankooda ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay.

Henry Okello Oryem, oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Uganda, ayaa sheegay in inkastoo dadaallo xooggan oo dhanka tababarrada ah ay sameeyeen, haddana aysan ciidamada Soomaaliya sii wadi karin iska-hor-imaad ciidan oo muddo dheer socda. “Ma dooneyno inaan aragno nooca wax aan ku aragnay Afgaanistaan,” ayuu u sheegay Reuters.

 

Related posts

Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo ka baxday gacanta Al-shabaab

Caydiid Ali

Dowlada Denmark oo meel marisay sharci yaab leh oo ka dhan ah soo galootiga

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Saxiixaya Sharci Muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya

Cabdi Cade