Ciidamada Burundi ee ka tirsan ATMIS oo ka baxay Magaalada Jowhar (Sawirro)

ATMIS ayaa maanta Saldhigga Howlgalka ee magaalada Jowhar ku wareejisay Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya, kaasoo qeyb ka ah Wajiga 3-aad ee Dhimista Ciidamada.

Madaxa Injineeriyada Qaybta Militariga ATMIS, Gaashaanle Sare Suleymaan Ibraahim ayaa u xaqiijiyey dadka Soomaaliyeed inaysan jiri doonin wax faaruq amni inta ay socoto dhimista ciidamada.

Wuxuu ammaanay hawlkarnimada iyo nafhurnimada ay Ciidamada Amaanka Soomaaliya iyo ciidamada Burundi ee ATMIS ee sii baxaaya ay ku bixiyeen xasilinta gobolka.

Madaxa Unugga Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah, ayaa iftiimiyay doorka muhiimka ah ee saadka iyo awood-dhisidda ee UNSOS ee taageeridda Ciidammada Amaanka Soomaaliya & dhigooda ATMIS inta lagu jiro hannaanka kala-guurka ee amniga.

Wuxuu ku dhawaaqay in UNSOS ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed siisay qalab muhiim ah, oo ay ku jiraan koronto-dhaliyeyaasha, qalabka sifeynta biyaha, iyo baalalka cadceedda, si sare loogu qaado xaaladda noolosha ee xerada.

Mas’uuliyiin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Taliyaha Qeybta 5-aad ee ATMIS Gaashanle Sare Oscar Hatugimana, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Hirshabeelle Cabdiraxmaan Ciise Daadow, Taliyaha Ciidanka XDS ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Sarreeye Guuto Ibraahim Yuusuf Nuur, ayaa ka qeyb galay munaasabadda wareejinta saldhigga.

- Advertisement -