Fadeexad ka taagan Xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre & dhaqaale la musuqay

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wajahaya eedeymo culus oo ku saabsan musuq maasuq la xiriira in si qaldan loo isticmaalay $400,000 oo loogu talagalay ilaalinta carruurta.

Lacagtan oo sida la sheegay ka timid Hay’adda Save the Children ayaa la weeciyay iyadoo la hareer maray Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Ilo xog-ogaal ah oo magacooda qariyay ayaa tilmaamaya in Mudane Axmednuur M. Cabdi (Uleex) uu yahay mas’uulka ugu muhiimsan fadeexadan. Cabdi, oo xiriir dhow la leh Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu eedeeyay inuu ku takri-falay dhaqaalahaas.

Tani maaha kiiskii ugu horeeyay ee dhaqan xumo maaliyadeed oo lala xiriiriyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Dhacdooyinkii hore, in ka badan 5 milyan oo dollar oo Dowladda Talyaaniga ugu talagashay mashaariicda xasilinta ayaa loo isticmaalay arrimo siyaasadeed, iyadoo dhinac laga saaray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Arrimaha Federaalka.

Sidoo kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa heshiis qarsoodi ah la galay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo soo tarxiilo dalalka Midowga Yurub iyo Mareykanka. Lacag gaareysa 10 milyan oo dollar ayay dowladaha Scandinavianka si hordhac ah ugu bixiyeen dhismaha xarun laga sameynayo magaalada Kismaayo, waxaana ka faa’ideysanaya shabakadaha siyaasadda ee Ra’iisul Wasaaraha. Heshiiskani wuxuu saameeyaa magangalyadoonka xuquuqdooda bini’aadminimo ee siyaasadeed, kuwaasoo qaarkood wali sugayaan dhageysi maxkamadeed ama la tacaalaya arrimaha caafimaadka dhimirka.

Maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo, ayaa diiday heshiisyo kuwan la mid ah oo ay soo bandhigeen dalalka Midowga Yurub, iyagoo ka baqaya inay saameyn sharci ah ku yeeshaan ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in inta badan go’aanada uu qaato Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay yihiin kuwa dhaqaale ku saleysan.

Xigasho: Maxamed Cabdi – Wariye madax-banaan

 

- Advertisement -