Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay Somalia ku soo bandhigtay Madasha Understanding Risk Global? (Sawirro)

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Maxamuud Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkan howlo shaqo u joogay magalada Himeji ee dalka Japan iyaga oo ka qayb-galaya shir laba sanadle ah oo lagu magacaabo Madasha Caalamiga ah ee Fahamka Halista “Understanding Risk Global Forum“.

Gudoomiyaha ayaa Madasha ka jeediyay khudbadiisa oo uu kaga hadlay sooyaalka hay’adda SoDMA, guulaha ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, howlaha hortabinta u leh hay’adda iyo caqabadaha  hay’adda ku horgudban.

Wafdiga ayaa sidoo kale ka qaybgalay shirar doceedyo iyo doodo looga hadlayay arimaha la xiriira maaraynta masiiboouyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn.

Guddoomiye Maxamuud ayaa u mahad celiyay Bankiga Adduunka oo abaabulka shirka lahaa iyo dowladda Japan oo martigalisay.

Related posts

(Akhriso) Guddoomiye Cumar Filish oo soo saaray amar ku socda Masuliyiinta degmooyinka

Caydiid Ali

Mashruuca dhismaha Wado isku xireysa Soomaaliya iyo Jabuuti oo la saxiixay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Go’aanka Kenya kuna hanjabtay in talaabo qaadeyso

Cabdi Cade