Allbanaadir.com
NEWS

Sweden oo balan-qaad u sameysay Somalia ka dib kulan ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern.

Waxaa uu kala hadlay xoojinta dadaalada socda, taageerada dowladda Sweden ee dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa sharaxay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay ciribtirka Al shabaab iyo  muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxdasiyo dib u dhiska kaabayaasha kale ee muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya, mudane  Joachim Waern ayaa ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada xooggan ay dalkooda kaga xoreynayaan argagixisada oo ah kuwa dhibaato ku haya guud ahaan caalamka, isagoo balanqaaday in dalkiisu uu xoojinayo taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Qorshe Qaran oo lagu kordhinayo Xirfadaha haweenka Soomaaliyeed oo la Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax dhacay Warshad ku taalla Magaalada Hapur & dad badan oo ku dhintay

Caydiid Ali

Ciidamo kasoo goostay Somaliland oo isku soo dhiibay Puntland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade