Xoghayaha guud ee urur Xisbullah, Xasan Nasrallah ayaa ku hanjabay inay weerarri doonaan jasiiradda Qubrus oo uu ku eedeyay inay Israa’iil u oggalaatay saldhigyo militari iyo garoommo diyaaradeed, si ay u weerarto goobaha Xisbullah ee gudaha Lubnaan.
Waxaa kale oo uu sheegay inay xog badan ka hayaan awoodda Israa’iil, isagoo intaa ku daray inay u diyaarsan yihiin dagaal dheer oo ay la galaan Israa’iil iyo xulafadeeda.
Hanjabada Xisbullah ayaa markiiba laga dareemay gudaha Qubrus; hoteellada ayaa la joojiyay dhammaan dadkii sii qabsaday goobaha la isugu yimaado iyo xeebaha ayaa si la mid ah dadkii tagi jiray ay maanta hoos u dhaceen, iyadoo Qubrus ay joojisay fiisooyinkii ay bixin jirtay safaaradda ay ku leeyihiin Beirut.
Xisbullah ayaa leh gantaalo ay ku weerarri karto Qubrus oo ah jasiirad cabirkeedu dhanyahay 9,251 km2 oo ay ku noolyihiin dad aan ka badnayn 1 milyan oo qof, waxayna u jirta caasimadda Lubnaan kaliya masaafo bad ah oo dhan 230.77 km.
Qubrus, waa halka u horreysa ee Israa’iil ay weerarro ka soo qaadi karto , haddii ay Xisbullah burburiso garoommada diyaaradaha militariga Israa’iil, kuwaaso ah bartilmaameedka koowaad ee Xisbullah, haddii ay dagaal toos ah la galaan Israa’iil.
Afhayeenka dawladda Qubrus, Konstantinos Letymbiotis ayaa shir jaraa’iid oo uu qabtay, wuxuu ka cowday hanjabaada Xisbullah, isagoo sheegay inaysan Qubrus wax lug ah ku lahayn colaadda gobolka, isagoo meesha ka saaray suurtagalnimada dhulkooda in laga weerarro Xisbullah.
“Cyprus kuma jirto, kamana qayb qaadan doonto dagaal kasta xiriirka Jamhuuriyadda Qubrus la leedahay Lubnaan waa mid aad u wanaagsan dhammaan wada-xaajoodyadu waxay ku dhici doonaan heer diblomaasiyadeed. Ma jiro waddan loo ogolaan doono in uu hawlgalo milatari ka sameeyo Qubrus.” ayuu yiri.