Allbanaadir.com
NEWS

RW ku xigeenka oo 5 qodob kala hadlay safiirada Midowga Yurub u fadhiya Somalia (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kaasi oo looga hadlay arrimaha amniga, ciribtirka al shabaab, arrimaha bini’aadantinimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladdu guulo waawayn ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo hawllgada wajiga labaad ee dagaalka al shabaab iyo sidoo kale dedaallada adeegga lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey kooxdan

Dhankooda safiirrada ayaa qiray guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladu ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyagoo intaa ku daray inay dawladda Soomaaliya ka taageerayaan howlgallada dalka looga xoreynayo al shabaab.

Safiirrada kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa kala ahaa Safiirka EU Karin Johansson, safiirka Italy Dacco Coppi, safiirka Germany Sebastian Groth, iyo safiirka Sweden Joachim Waern.

Related posts

Ciidamada Azerbaijan oo guul weyn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan Armenia

Caydiid Ali

Xasan Sheekh “Dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab culimada ayaa..(Sawiro)

admin

Gaadiidka Dhismaha iyo Injineero u dhashay dalka Masar oo gaaray Gaza (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---