Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo Shaaciyay in isbeddel uu ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka…

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa sheegay in isbeddel uu ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka shaqo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasiirka ayaana  faray dhammaan diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ka idlaaday ee dib xarunta Wasaaradda loogu soo celiyay lagu kala meeleeyo waaxyaha, machadka iyo xafiisyada maamul ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa hadalkani ka sheegay madal lagu kulmiyay diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ee loo igmaday uu ka idlaaday oo dib Wasaaradda loogu soo celiyay markii ay muddo sideed sano ka soo shaqeeyeen Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa tilmaamay in la dardargelin doono shaqada safaaradahana looga baahanyahay inay hore-u-socod sameeyaan, isagoo cadeeyay in safaaradaha iyo qunsuliyadaha guud ay yihiin xarumo dowladeed oo u adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, lagana dhowrayo sare u qaadidda howl-gudashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sababtii uu u dhintay wiil isaga oo Hargeysa kubbad ku ciyaaraya oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Rugcadaa Siyaasadeed oo Muqdisho ku geeriyooday

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Dibaddiisa oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade