Allbanaadir.com
NEWS

Tirada ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Dugsiyada Sare oo la shaaciyey

Maalinta Sabtiga ah ee toddobaadka soo socda waxaa guud ahaan dalka looga fariisa doonaa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee sanad dugsiyeedka 2023-2024, kaas oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Somalia.

In ka badan 37 kun oo arday oo ku kala nool Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa sanadkaan u fariisa doonta imtixaanka dugsiyada sare ee dalka, ardayda iyo wasaaradda waxbarashada ayaa ku jira diyaar-garowgii ugu dambeeyey.

Dhowaan waxaa la soo gabagabeeyey imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada dhexe, kaas oo in ka badan 35 kun oo arday ay ku galeen gobolka Banaadir iyo gobollada kale ee dalka.

Waxaa xusid mudan in degmooyinkii laga xoreeyey al shabaab, sida Xarardheere, Ceeldheer, Aadan-Yabaal iyo deegaano kale ay sanadkaan imtixaanka ku galeen arday u gudbeysa dugsiga sare.

 

Related posts

Shirka Wadatashiga Ururada Bulshada ee Qabyo qoraalka Sharciga Doorashada oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare & Xildhibaanada baarlamanka Hirshabelle oo heshiis cusub gaaray

Caydiid Ali

(Magacyada) 11 Musharax oo isku soo taagay doorasho beri ka dhaceysa Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---