Mareykanka oo sharciga daganaashaha siinaya nus milyan qof iyo Shuruud ku xiran

Dalka Mareykanka waxaa kunool dad badan oo aan heysan sharciga dalkaasi, waxa ayna dadkaasi marar badan ku guul dareesteen isku dayo ay ku doonayeen in ay ku helaan sharciga Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shalay ku dhawaaqay qorshe cusub oo ka farxiyay dad badan oo Mareykanka ku noolaa iyaga oon sharci heysan, kuwaa oo hadda helaya fursado sharci ku heli karaan.

Joe Biden ayaana ku dhawaaqay siyaasad cusub oo ku saabsan muhaajiriinta, taasoo deganaashaha joogtada ee Mareykanka ka caawin doonto boqollaal kun oo qof oo ah xaasaska rag heesta dhalashada Mareykanka iyo kuwa qaba hablo Mareykan ah.

Sharcigan ayaa waxaa ka faa’iideysa doona nus milyan ruux oo aanan sharci ku joogin Mareykanka, balse qaba xaasas heysta dhalashada Mareykanka ama ay qabaan muwaadiniin Mareykan ah.

Sidoo kale siyaasadan cusub ee deganaanshaha joogtada ah ee dalka Mareykanka lagu siinayo qeyb ka ah carruurta aanan sharciga heysan ee Mareykanka ku noolaa 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa jira Shuruudo adag oo lagu xiray dadka xaqa u yeelan doono in ay helaan ama dal-badan sharcigan cusub ayaa ah, in ay Mareykanka ku noolaayeen muudo 10 sano ama wax ka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -