Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno dil ah ku riday labo askrai oo katirsan ciidanka dowlada oo lagu helay in dilal bareer ah u geesteen askar kale oo katirsanaa ciidanka.
Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) ayaa loo heystaa in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay kawada tirsanaayeen Ciidamada Amniga dilkaasi oo ka dhacay dugsiga taba-barka Jen. Shirbow 30-ka bishii sideedaad ee sanadkan.
Xeer Ilaalinta ayaa weydiistay garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) 6-da bishii sagaalaad si’ay u soo dhameystireen baarista eedda ka dhanka ah eedeysanaha ee xafiiska soo gaartay.
18-ka bishii tagtay ayay markale weydiisteen Garsoorayaasha in la muddeeyo waqtia dacwad qaadisata eedeysane Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) oo ay sheeeen in ay ku filantahay caddeymaha ay u hayeen kiiskiisa, waxa ayna Maxkamadda aqbashay laba maalin uun kadib.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa fadhiga Maxkamadda hor keenay Afar markaati oo dhammaantood isku raacay in Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble Oday Daalay uu si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed kadib markii uu isku dayay in uu carqaladeeyo shaqo amni uu haayay Marxuumka isla markaasna uu isku dayay in uu baxsado balse ay ciidamada oo ka tir badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku geystay looga qaaday.
Dhinaca kale Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale ayaa isagana loo heystaa dilka Qeys Khaliif Salaad oo ay kawda tirsanaayeen Ciidamada Xooga Dalka, dilkaasi oo ka dhacay xirada Laanta-buure 27-ka bishii todobaad ee sanadkan.
30-bishii todobaad ayay ku soo wareegtay eediisa xafiiska xeer ilaalinta, waxaana xilligaas ay maxkamadda u ugudbisay xabsiga dhexe gar-suge ahaan.
10-ka bishii tatay ayay xeer ilaalinta codsatay in la muddeyo dacwad qaadista eedeysane Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale 15-ka bishaas ayay aqbashay Maxkamadda, waxaana shan cisha kadib loo fariistay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha.
Laba markaati, Warqadda dhimashada, sawrika marxuumka iyo qorigiis uu dilka ku geystay ayay ku soo bandhigeen xeer ilaalinta, waxa ayna markaatiyaasha oo ay kawada tirsanaayeen ciidanka xoogga dalka ee isku goobta ay yihiin cadeyn in si jees-jees ah uu u dilay Marxuumka halka dhanka qareenada ay ku doodeen in laga qaado diyo maadaama ay wada kaftamayeen marxuumka sidaasna ay sababtay dhimashadiisa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com