Allbanaadir.com
NEWS

Ibraahim Sheekh Aadan & hubbkiisa oo isku soo dhiibay ciidanka XDS (Sawirro)

Ibraahim Sheekh Aadan oo 16 sano ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada ammaanka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Waxa uu ka waramay sababta uu al shabaab uga soo haray, isagoo sheegay in nolol liidata ay duurka ku heysato xubnaha ku haray kooxdaas,

Waxaa uu sheegay inuu muddo dheer ku haminayey sidii uu mar uga soo fakan lahaa kooxdaas ugu dambeyna ay maanta u suuragashay.

Ibraahim ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa ay kuwada jireen safka inay iskaga soo baxaan, kana daayaan dhibta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxaba ka galabsan sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa si kordhaya dagaalyahanada ka tirsan Al shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada DF iyo kuwa dowlad goboleedyada ka dib markii kooxda gacanteeda laga saaray dhul baaxad leh oo ay ka joogeen bartamaha Somalia.

Related posts

Mashruuc lagu Ballaarinayo Garoonka Aadan Cadde oo socda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga oo bur buriyay fariisimo iyo godad Al Shabaab ku dhuumanayeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Meydka Gudoomiyihii Gobolka Banaadir oo goordhaw laga soo dejiyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---