Axmed Madoobe oo booqday degaan dhowaan laga saaray Al-shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay deeegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo dhawaan laga xoreeyay Al shabaab

Madaxweynaha Jubbaland oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha deegaanka ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha Dowladda ay bilaabi doonaan Adeegyada bulshada gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo adeega Internet-ka oo dhawaan loo fasaxay deegaanka.

Waxaa uu sidoo kale intaas ku daray in maamulka deegaanka sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo dhisi doono.

Waxaa uu balanqaaday in Ciidamada xoreeyay Buulo-Xaaji ayna dib uga noqon doonin isagoo sheegay in sidoo kale deegaanka laga hirgalin doono maxkamad isla markana aan la aqbali doonin in dacwad loo aado al shabaab

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in muddo dheer Al shabaab ay  isku diraysay beelaha deegaanka, taasoo sababtay isku dhacyo dhinaca beelaha ah, balse haatan ay deegaanka gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka.

- Advertisement -