Ciidanka Israa’iil ayaa markii u horreysay soo bandhigay tirada askarta naafadda uga noqotay dagaalka Qasa ka socda mudada 8 bilood ah
Israel waxay ku sheegay war ay soo saartay in 70,000 (Todobaatan kun) oo askari ay naafo ku noqdeen dagaalka, kuwaaso xubno jirkooda ka mid ah ku waayay dagaalka.
Israel ayaa nsidoo kale sheegatay in dhowr boqol oo askari looga dilay dagaalka ay kula jiraan Xamaas hase ahaatee waxaa la aaminsan yahay askarta laga dilay ay gaarayaan kumanaan
Kooxaha iska caabinta waxay adeegsadeen hannaan ku dhisan in askar badan dagaalka laga saaro, kuwaaso ka beegsanayo xubnaha sababta u noqon kara inaysan dagaalka dib uga soo laaban sida ay qabaan falanqeeyayaasha ku xeel dheer dagaalka.