Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo ku dhegan qaar ka mid ah ganacsatadda Kismaayo (Daawo Sawirro)

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland oo kaashanaysa Hogaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, Hay’adda Tayadhowrka iyo waaxda caafimaadka ee Hay’adda Nabadsugidda ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay xogta raashin tayadiisu aysan wanaagsaneyn oo ku keydsanaa qaar ka mida Bakhaarada ku yaala suuqyada magaalada Kismaayo.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, Saraakiil ciidan iyo xubno kale ayaa tagay qaar ka mid ah goobahaas oo dabagal badan oo la sameeyay lagu soo ogaaday in uu yaalo bur badan oo tayadiisu ay xumaatay ka gadaal markii bakhaaro lagu keydiyay kadibna albaabada loo laabay.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Ibraahim Xassan Cabdi ayaa sheegay in ay shatiga ganacsi kala noqonayaan goobtii ganacsi ee lagu arko wax dhacsan ama tayadisu xumaatay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor sheegay in qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Kismaayo ay keydiyaan raashiinka ay soo dejiyaan iyagoo sugaya in qiimihiisu sare u kaco taasoo keenta buu yiri raashiinka tayadiisu xumaato maadaama aan lagu keydinin heerkulkii loogu talo galay.

Related posts

Jabuuti & Somaliland oo dib u furay xadkooda iyo Muuse Biixi oo ka soo gudbay (Sawirro)

Caydiid Ali

Reer Mandhera oo dalbaday in laga saaro C/rashiid Janan iyo ciidamadiisa & DF oo sheegtay..

Caydiid Ali

NISA oo Muqdisho ka fulisay howlgal lagu bur buriyay Shabakad katirsan Al Shabaab hubna …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---