Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo ka farxiyay Muwaadin baahiyaha gaarka ah qaba uu la kulmay (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka farxay jawaab deg deg ahna ka bixiyay codsi uga yimid muwaadin baahiyaha gaarka ah qaba, kaa ay is arkeen Madaxweynaha maalintii koobaad ee Ciidul Adxaa.

Sulub Maxamed ayaa si kadis ah xilliguu dukashada salaada ciida waxa ay isku arkeen Madaxweyne Deni, waxa uuna ninkan Madaxweynaha ka codsaday in uu u iibiyo gaari yar oo ku shaqeesto kuna qabsado denihiisa gaarka ah.

Xubno katirsan Madaxtooyada Puntland wakiilna ka ahaa Madaxweyne Siciid Deni ayaana labo maalin kaddib guddoonsiiyay ninkii Madaxweynaha ka codsaday gaariga, waxaana maanta gaari nuuciisu yahay Borobokis lagu wareejiyay Sulub Maxamed.

Muwaadinka gaariga la guddoonsiiyay ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Deni sida uu codsigiisa u fuliyay, waxa uuna si niyad sami leh muwaadinkan reer Puntland ugu duceeyay Madaxweynihiisa ka farxiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo ka farxiyey Maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland

Caydiid Ali

Nin Soomaali ah oo iska dhigay Gabar oo la qabtay xili uu ka dhoofi rabay Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo & Khayre oo ka baaqday shir Madaxeedka Midowga Afrika ee ka furmay Addis Ababa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---