Allbanaadir.com
NEWS

Afar sargaal oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Dowladda

Wararka ka imaanaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in saraakiil katirsanaa kooxda Al Shabaab isku soo dhiibeen ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland, kaddib markii Al Shabaab laga saaray deegaanno cusub oo katirsan gobolkaasi.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in afar sargaal oo katirsanaa Al Shabaab una qaabilsanaa deegaanka Buulo-xaaji ay dhawaan ciidanka dowladda la wareegeen isku soo dhiibeen Al Shabaab.

Saraakiishan ciidanka dowladda isku soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii deegaanka Buulo-xaaji, madaxii maaliyadda ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo nin kale kale oo isna Al Shabaab madax uga ahaa qaadista xoolaha loo yaqaan Sakawaadka.

Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaana maalmo kahor Al Shabaab ka saaray deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubadda Hoose, ciidanka ayaana halkaasi kawada howlgallo amniga deegaanka lagu xaqiijinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kusoo laabtay iyo Madaxtooyada oo …

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo gaaray Shiinaha si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Qaar ka mid ah Madaxda beri ka qeyb galeysa Xaflada Caleema saarka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---