Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada badda ee dalka Gariiga oo lagu eedeeyay dilka 40-qof oo Muhaajiriin ah

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Gariiga ayaa lagu eedeeyay in masuul ka ahaayeen dhimashada 40-qof oo muhaajiriin ah, kuwaa oo doonayay in ay gaaraan dalka Gariiga ayna uga sii gudbaan waddamada kale ee Yurub kuyaalla.

Warbaahinta BBC-da baaritaanno ay sameesay ayaa lagu ogaaday in ciidamada ilaalada xeebaha ee Gariiga ay si bareer ah muhaajiriin doon ku gaaray xeebaha dalkaasi ugu qasbeen  in ay badda dib ugu laabtaan.

Ciidamada Gariiga ayaana la sheegay in 15-dhacdo oo arxandarro ah ay sameeyeen ay sababtay geerida muhaajiriin badan oo naf la caari ahaa, kuwaa oo ku qarraqmay badda meditareeniyaanka, muddo saddex sanno gudahood ah.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in dadka dhintay qaarkood si ula kac ah loogu tuuray badda, halka muhaajiriin kalana iyana  lagu qasbay in ay ka baxaan dhul-badeedka Giriigga ayna dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

Ciidamada badda dalka Gariiga ayaana beeniyay eedeymaha loo jeediyay ee ahaa in sabab u ahaayeen geerida muhaajiriin badan oo doonayay in ay galaan dalka Gariiga, waxa ayna warkan ku tilmaameen kuwa laga bad badiyay oon xaqiiqa aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday nin Isbaaro kutaalla Balcad ku dilay Darawal

Cabdi Cade

Golaha amaanka ee QM oo War ka soo saaray khilaafka DF iyo Maamul goboleedyada dalka

Caydiid Ali

Daawo: Khilaaf soo kala dhexgalay Qoor-qoor & Farmaajo iyo Musharaxiinta oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---