Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo Muqdisho ka mamnuucay in lagu dhax wato baabuurta aan taargada laheyn

Taliska ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa mamnuucay maanta waxii ka dambeeya in waddooyinka magaalada Muqdisho lagu wato gaadiidka aan laheyn calaamada ama taargada.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliiska ayaana lagu shaaciyay in maanta kaddib aan la ogolaan doonin baabuur taagro la’aan ah, waxa ayna bulshada ogeesiiyeen in mamnuuc tahay baabuur aan taargo laheyn.

”Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu ogaysiinayaan shacabka ku nool caasimadda iyo hareeraheeda laga bilaabo maanta oo ay taariikhada tahay 18-06-2024 aan la ogaleyn gaadiid bilaa taariko ah oo maraya wadooyiinka caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka booliiska.

Baabuurta aan taargada laheyn ayaa inta badan waxaa istimaala ciidamada, saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda, kuwaa oo inta badan ka cabsada in la aqoonsado baabuurta ay wataan, waxaana aad u yar in shacab wataan baabuur aan taargo laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma dhab baa in ciidamada Iran ay si toos ah ugu biireen dagaalka ka socda Ukraine?

Caydiid Ali

Faahfaahin: DF & Madasha Xisbiyada oo xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Caydiid Ali

DEG DEG: Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab ka saaray degaanka Wabxo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---