Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Mukhtaar Roobow oo kormeeray Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed ka degan yihiin Mina (Sawirro)

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Dr Khadar Daahir ayaa xalay kormeerayay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed ka deggan yihiin Mina isagoo mid ka mid ah xarumaha Caafimaadka ku booqday xujey lagu dabiibayo.

Xarumaha caafimaadka Xujeyda Soomaaliyeed oo dowladdu soo kordhisay sanadkaan ayaa shaqo muhiim ah u qabanayay maalmihii la soo dhaafay xujeyda oo qaarkood ay saameeyeen kuleyka daran ee ka jira goobaha Mashaacirta.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay xujeyda uu la kulmay oo uu ka warsanayay culeyskii ay dareemeen saacadihii la soo dhaafay, maadaama gudashada waajibaadka xajka iyo kuleylka ka jira Mashaacirta ay culeys weyn ku ahayd dadka da’da ah iyo kuwa xanuunada qaba.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa maalmihii la soo dhaafay aad ugu howlaneed hubinta iyo la socodka xaaladda xujeyda Soomaaliyeed ee gudanaysa acmaasha Xajka.

Related posts

Jen. Ameriko oo tababar u soo xiray boqolaal Boolis ah oo ka howlgeli doona..( Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Shacabka oo maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumada cusub

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku baaqay in la galo kacdoon lagu xoojinayo..”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---