Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada Mareykanka oo duqeyn ka geystay koonfurta Somalia

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay weerar diyaarado loo adeegsaday ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntan laga fuliyay degaanka Araare ee gobolka Jubada hoose.

Weerarka oo dhacay shalay ayaa sida bayaanka ku cad waxaa lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) aya xusay inay qiimaynayaan in weerarkaasi ay dad rayid ah ku dhinteen ama ku dhaawacmeen iyo in kale.

Bayaanka ayaa laga sheegay in duqeynta la fuliyay ka dib markii koox mintidiin ah oo hubaysan ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayeen in ay ku weeraraan ciidamo bahwadaag la ah kuwa Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay iney sii wadi doonaan dhammaan tallaabooyiinka sharciga ah ee ay ku minjaxaabinayaan argagixisada, iyagoo kaashanaya ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo safaarado cusub ka furaneysa dalalka caalamka qaarkood

Caydiid Ali

Cabdirashiid Gebigebi oo la dilay xili uu kasoo baxay Masaajid

Cabdi Cade

Go’aamo maanta laga soo saarayo Shirka golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---