Waxaa jirey nin iyo naag wakhti dheer is qabay oo ay ka dhexeysey xifaaltan salka ku haya dayacaada masuuliyadda qoyska iyo xaqdhowrista xuquuqda sharciga isqabida, wuxuuna ninku ahaa nin aad u shaqeeya oo wax walba la jecel iney xaaskiisu yeelato, isaguna ma ahayn qof ku mashquulsan daryeelka naftiisa oo wax walba wuxuu ka hormarinayey tixgelinta rabitaanka nagtiisa, balse naagta uu qabo ma shaqeyso oo waa guri joog, waxeyna aad ugu mashquulsan tahay daryeelka danaheeda, iyadoo ay taas u sii dheer tahay eedo ku dhisan xin iyo xaqiraad.
Ninka oo shaqadiisa ku maqan ayey maalin waxey xaaskiisu dalxiis u aadey reerkooda, waxeyna soo noqotay wakhtigii uu ninkeedu shaqada ka soo laabanayey, balse marka ay guriga timid ayey waxey la kulantay dhacdo ay la argagaxday, kadib markii ay aragtay ninkeeda oo gabar yar oo qaangaara la raaxeysanaya, waxeyna naagtii dhacdadaas ku noqotay filan waa, iyadoo xaqiiqsaneyd inuusan ninkeedu weligeed uusan ku sameyn doonin gogol dhaaf, maxaa yeelay xaniinyahiisa iyo xoolihiisaba iyadaa xisaabtan ku haysey oo marna suurtogal ma ahayn maangalkeeda inuu sameyn karo wax aysan raali ka ahayn oo xadgudub ku ah xaqa sharciyeed ee guurkooda.
Xaaskii oo ooyeesa ayaa ninkii ka kor dhacday, waxeyna ku tir: “Waa maxay waxaan aad sameyneysid doofaaryahow wasaqeysan, hadda ayaan kaa rabaa furiinkeyga, alaabteyda shaqsiyadeedna haddaan guriga ka guranayaa oo kalsooni kale iguma kaa harin.” Ninkeedii wuxuu ku yiri: “wax yar I sug hawshaan aan dhameeyee oo inta aadan bixin hal kelmad ii ogolaw si aan kuugu sheego sida ay wax u dhaceen.” Waxeyna ku tiri: “War badan iguma kaa harin, balse dhaqso kani waa hadalkii kuugu dambeeyey oo aad igu tiraahdee.”
Ninkeedii ayaa wuxuu yiri: “Waxaan ka imid shaqo, waxaana tegey gurigii oo cidlo ah, waxaan xasuustay inaan kuu soo qaado cuntadii aad jecleyd, jidka waxaan kula kulmay gabar yar oo aad u dhibaateysan, waxaana keenay guriga si aan u caawiyo oo diifta ka muuqata aan insaan ahaan wax uga qabto, markaan guriga keenay ayey igu tiri waxaan cuno I sii saddex maalmood waxba ma aanan cunine, waxaanna furay qaboojiyaha, waxaanse ku arkay cunto aan shalay kuu soo gaday oo aadan cunin, waana siiyey …”
“Kadibna waxaan arkay wasaq badan oo ka muuqatey jirkeeda iyo dharkeeda, waxaana u wadey xaga musqusha si ay u qubeysato, waxaana arkay saabuuno aan wakhti hore soo gaday oo aan weli la isticmaalin, waxaana u sheegay iney isticmaasho, waxaan kaloo arkay iney xirneyd dhar wasaqa oo jeexjeexan oo ay musqusha horteeda isaga siibtey, waxaanna raadiyey wax dhara oo ay xiran karto, waxaana arkay dhar qurxoon oo ay walaashey kuu keentay xafladdii sanadaguurada guurkeena laba sano ka hor, balse adiga oo ku xumeynaya ayaad diidey inaad jirkaaga gelisid …”
“Waxaana siiyey dharkii si ay u gashato, haddana waxaan kaloo arkay iney caga cadeyd oo aysan haysan wax kabo ah oo ay xirneyd, waxaana kabo uga raadiyey dhanka iyo maqaasiinka, waxaana arkay kabo aan kuu soo gaday sanooyin ka hor oo aad tiri naagaha saaxiibadey qaar ka mida ayaa qaba, mana rabo inaan gashado naag kale kabo ay sidato nuuceeda oo kale, sidaas ayaana ku siiyey kabahii, kadib markii aan u wadey inaan sagootiyo oo albaabka aan ka saaro ayey inta ii soo jeesatey ayey I weydiisey su’aashan…:”
“Fadlan ma heysa wax kale oo ay naagtaadu ka maarantay iney isticmaasho?” “Marwadeyda qaaliga ahaydey, sidaas ayey ku bilaabatay hawsha aad aragtay”. Naagtii oo ay si cad ugu muuqatay dayaceedii ay ku sameysey waajibaadka qoyskeeda ayaa wixii markaas ka dambeeyey waxey ka tanaasushey mucaaradnimadii xanafta badneyd oo ay ninkeeda kula xifaaltameysey, waxeyna garwaaqsatay in xaqdhowris la’aanta xuquuqdeeda sharciyeed ee guurkeeda iney sababteeda iyadu leedahay, kadib marka ay qoyskeeda u geystay dayacaad baahsan oo ay guurkeeda kula kacday.
Sheekadaas waxaan ka dhex arki karnaa qaabka ay isku hayaan madaxda dowladda Soomaaliya oo dadaal badan ugu jira meelmarinta lagu hormarinayo dhibaatooyinka faraha badan ee dalka ka jira iyo mucaaradka siyaasadeed oo dayacay kaalintoodii wadaniyadeed oo uga aadaneyd iney ka qeybqaataan samatabixinta Soomaaliya oo cagaha la sii gelaysa haadaamo ay maleegayaan cadawga Soomaaliyeed oo leh deris, deris xigeen, iyo shisheeye kore oo dano wadaagooda awgeed ku kalkaalinaya in Soomaaliya aysan dhibaatada ka soo kaban.
Madaxweynaha Soomaaliya Md Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo Raisulwasaaraha Md Xamze Cabdi Barre oo danaha lagu burburinayo Soomaaliya ka difaacey dalka cadawga wejiyada badan leh ayaa waxaa dhacaday in siyaasiyiintii mucaaradka ahayd meeshii laga sugayey iney kaalintooda ka qaataan kala shaqeynta dowladda turxaan bixinta dayaca baahsan ee ka jira dalka iyo dhagarta lala damacsan yahay in Soomaaliya ama laga helo danaha laga leeyahay oo maxmiyad caalamiya lagu hoos geeyo ama haddi taas la waayo loo burburin lahaa qaranimadeeda, ayaa waxaa dareenkooda buuxiyey iskaashiga ay la leeyihiin cadowga dalkooda iyo u dhego nuglaanta cadawtinimada sokeeye oo ay ku dhiiran yihiin.
Soomaaliya dhibaatada heysata Xasan iyo Xamze keligood shaqsiyad ahaan iyo madax ahaan midna waxba ugama qaban karaan dhibaatooyinka baaxada weyn ee uu dalku wajahayo, waxeyna u badan tahay haddii xinka sokeeyuhu uu sii xoooggeysto in Soomaaliya ay ka baxeyso awooda gacanta Soomaalida, waana sida ay hadda Soomaaliya ku socoto inta ay jirto mucaarad iyo muxaafad la isku ximinayo, inta qabiil iyo dariiqo diimeed la isku colaadinayo, inta dibed jooga iyo gudo jooga uu midba midka kale ku eedeymo nacabtooyo oo salka ku haya iney xuquuqdoodii wadaniyadeed kala ay marooqsadeen, inta ganacsato iyo dalaaliinta ka shaqeeysata u adeegida danaha shisheeyaha ay iimaan daro dalkooda ugu xaraashayaan.
Waxaa dhowaan dalka Mareykanka looga yeerayaa madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, waxaana la soo hordhigayaa heshiisyo ay garwadeen ka yihiin UNka oo ku saabsan masiirka siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya, iyo heshiisyo ay Soomaaliya iyo Itobiya horay u wada galeen, laguna doonayo in heshiisyadaas lagu dhexdhexaadiyo, laguna rabo in madaxda Soomaaliya lagu cadaadiyo iney qaataan heshiisyo laga soo shaqeeyey oo Itobiya aysan wax qasaaro ah aysan ugu jirin, waxaana hanti gelinaya fulinta heshiisyadaas wadamada khaliijka oo Soomaaliya deris xigeen la ah, ujeedadooduna waxey tahay iney ama cunaqabteyn dhaqaale geliyaan Soomaaliya ama madaxda Soomaaliya ay u qoor dhiibtaan iyaga iney u ogolaadaan in Soomaaliya ay ka yeelaan sida ay rabaan.
Waxaa sidoo kale miiska saran heshiisyadii difaaca iyo shidaal qodista Soomaaliya oo la rabo in lagu qasbo madaxda Soomaaliya iney wax ka bedelaan mowqifyada ku aadan heshiisyadaas iyo debcinta mowqifka adag oo ay Soomaaliya ka qaadatay faragelinta Itobiya, waxaana suurtogal ah ugu yaraan in la abuuro shaki la kala dhexdhigo Soomaaliya iyo wadamada ay heshiisyada la gashay amaba ay dhacdo in kaalin mug leh laga siiyo wadamada Khaliijka iyo Itobiya iney awood ku yeeshaan saamiga ay ka helyaan ka mid ahaanshaha heshiisyada kheyraadka Soomaaliya.
Itobiya colaadeeda waxaa dabada ka riixaya qaar ka mida wadamada Khaliijka oo raba danahooda gaar ahaneyd iney ku gaaraan adeegsiga xoogga dowladda Itobiya oo ay aaminsan yihiin wejina iney iyada ku weji xumeynayaan caalamka, wejiga kalana ay Soomaaliya ku horistaagayaan isbedelo horumarineed oo ka dhaca siyaasad ahaan, bulsho ahaan, amni ahaan, ciidan ahaan, iskaashi xiriir calami ahaan, iyo dhaqaale ahaan, waxeyna xarkaha ay wax ku dabrayaan ay ka soo guntayaan wadamada waaweyn oo ay danahooda gaarka ah u fuliyaan.
Mucaaradka waxaa looga baahan yahay iney isweydiiyaan sababta keentay kadib markii ay madaxda Soomaaliya tilaabo ka qaaday xadgudubka Itobiya ay Badeeda ku boobeyso oo ay heshiis difaac la gashay wadan saaxiib dhow la ah Soomaaliya, haddana ay heshiis la gashay wadamo kale oo ay kula heshiisey in shidaalka Soomaaliya la soo saaro, waxa ay dhamaantood wadamada Khaliijka ay cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed ay u saareen Soomaaliya oo ay wax walba ka door bideen garab istaagida danaha Itobiya.
Wadaniyiinta Soomaaliyeed waa iney fahmaan dalka difaaciisa inuu ka wada dhexeeyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ama gudaha ha ku noolaado ama dibeda ha ku noolaadaane, waxaana waajib muqadasa ku ah qof kastoo Soomaaliya inuu madaxda dowladda Soomaaliya uu ku gacan siiyo difaaca maslaxda iyo danaha Soomaaliya, lana fahmo haddii uu dalku gacanta Soomaalida ka bax ineysan eed waxba tareyn oo dalka aysan keligood iska lahayn madaxweynaha iyo raisulwasaaraha, balse uu ka burburayo ummaadda Soomaaliyeed oo dhan.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com